Tuesday, October 29, 2024

Dhiig-karka kudhaca hoyada uurka leh

 Dhiig-karka kudhaca hoyada uurka leh?

1.Qeexid/Definition?

 Waa dhiig-kar kudhaca hooyada uurka sida marka cadaadiska dhiigeedu uu kabadan yahay 140/90 milimitir ber merkuri,oo ay weheliso borotiin kadida lasocda(proteinuria).

 Xanuunkan wuxuu saameeya 2-5% hooyooyinka uurka leh caadi ahaan.

 Xanuunkan wuxuu dilaa hooyada iyo ilmaha labadaba hadii aan il gaara lagu hayn ama hooyadu lahayn dhakhtar lasocda xiliga uurka.

 Xanuunkan wuxuu ku badanyahay hooyooyinka kunool dunida dhaqaleheedu hooseeyo,iyadoo sababtu tahay fahan la,aan,cilmi yari xanuunkan ah ama wacyi galin la,aan bulshada ah.

2.Qaybaha loo qaybiyo xanuunkan?

• Waxaa loo qaybiyaa 4 qaybood oo kala ah sidatan Soo socota:

A. Mid xili hore dhaca(early onset):wuxuu kudhaca marka hooyadu ay Sido xanuunkan wax kayar 34 wiig ama asbuuc.

B.Mid kudhaca hooyada uurka leh marka ay sido in kayar 37 wiig ama asbuuc.

C.Mid xili danbe dhaca(Late onset):wuxuu kudhaca marka ay hooyadu Sido xanuunkan in kabadan 34 wiig ama asbuuc.

D.Mid kudhaca xiliga lafilayay inay hooyadu dhasho ama waqtigii sidku uu dhamaday ama wakhti kabadan 37 wiig ama asbuuc.

• Fiiro gara: Afartan nooc ee aan kor kusoo xusnay midba sigaarka loo daweya ama loopa tacala.

3.Xaaladaha ku keeni Kara in hooyada uurka leh uu dhiig-kar kudhaca?

 Hooyada oo da’a ahaan kaweyn 35 sano ama uurkeeda kowaad.

 Hooyada buuran ama cayilan.

 Iyo in hooyadu ay lakulantay uurkeeda kowaad xanuunkan(Dhiig-karka).

 In Hooyadu ay Sido mataano.

 Hooyada guursata nin kale aan kii hore ahayn.

 IWM.

4.Calamadaha lagu garto Xanuunkan ama astaamaha?

 Kaadida oo borotiin badan kujiro ama proteinuria.

 Kelyaha oo xanuuna hooyada.

 Madax xanuun daran.

 Matag iyo lalabo.

 Neefsashada oo dhibta.

 Bog xanuun.

 Barar lagu Arko jirka u badan cagaha ama lugaha iyo wajiga iyo gacmaha.

• Fiiro Gaara: xanuunkan markà qaybtood wuxuu u dhaca si kadis ah iyada oo hooyadu wax calamada lahayn kaliya cabirka dhiigu uu kabato sida caadiga(uu kabato ama Le’eg yahay 140/90 milimitir ber merkuri).

• Calamadahan ama astamahan maaha kuwo u gaara xanuunkan.

5.Qaabka loo baaro xanuunkan?

 In hooyada kaadida Laga qaado kadibna la eego borotiinka kadida kujira (hadii borotiinka kabadanyahay 300Mg/maaline.waa positive ama in xanuunkaas jiro).

 In labaaro dhiiga kalyaha Laga qaado ama afka qalaad ladhaho creatine (hadii uu kabadan yahay 30mg/maaline xanuunkaas waa positive ama waa jiraa).

 Dhiiga guud in lacabiro hadii qaybta xinjirowga oo dhiiga ku yarata waa positive ama wuu jira xanunkan.

 Dheecamada beerka in labaaro iyagana khaasatan AST,ALT(Hadii ay kabadanyihin 40) hooyada dhawac baa Soo garay beerkeda.

6.Caqabadaha ama dhibaayooyinka uu katago xanuunkan ama uu leeyahay?

 Dhibaato maskaxda ah(Eclampsia) ama hooyada oo miyir beesha.

 Arag la’aan ama shucaac indhaha kaga furan.

 Faalig.

 Hooyada oo wakhtiga uurka dhicisa ama ilma oo Soo dhaca ama dilma.

 IWM.

MAHADSANIDIIN

Qore: Mohammed Omar khaliif(MD)


Monday, October 28, 2024

Dhiig-karka?

 1.WAA MAXAY DHIIKAR?

• Dhiig-karku wuxuu dhacaa marka cadaadiska halbowlayaasha uu si joogto ah uu kabadanyahay cabirkiisu 130/90mmhg.

• Xaaladan aad bay u badantahay waliba dadka da’doodu u dhaxayso 30 sano ilaa 80 sano.

• Hadii aan ladaweyna waxaa laga dhaxlaa xaalado cafimad daro sida wadna xanuun iyo faalig.

• Dhiig-karku wuxuu ku badanyahay dadka dhaqaalohoodu uu aad u hooseyo.

• Dadka dhiigoodu kabadanyahay 130/80MmHg waxaa laga yaaba inaysan wax calaamadaa isku arag.

• Waa muhiim in la fahmo calaamadaha iyo daaweynta dhiig karka si loo yareeyo khatarta cudurka wadnaha iyo dhibaatooyinka kale ee caafimaadka la xiriira.

2.Qaybaha dhiig-karka?

• Dhiig karka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah:

1. Dhiig karka (Aasaasiga ah ama primary):inta badan lama yaqaano waxa sababa,waana kan ugu badan ee dhiig-karka.

2. Dhiig-karka labaad ama(secondary):noocan inta badan waxaa sababa sida kelyo xanuunka,daawooyinka iyo hoormoonada,IWM.

3.WAXYAABAHA KOR DHIYA IN DHIIG-KAR KUGU DHACO?

• Da’da qofka oo kaweyn 30 sano

• Ama qofka kaweyn 65 sano balse leh macaanka.

• Qofka buuran ama BMI ay ka badantahay 25.

• In qofku qoys ahaan u dhaxlo

• Jimicsi la’aan joogto ah

• Cunista milixda badan

• Cabista sigaarka iyo cunida qaadka

• Cabista khamriga badan

• Cunida cunto dufan badan leh

• Qofka oo ay kuyaraato cunista qudaarta cagaaran.

• Mararka qaarna waxaa laga qada diqowga hawada(wadamada warshadaha leh)

4.Calaamadaha dhiig-karka lagu garto?

• Inta badan dadku ma dareeman wax calaamada.waxay ogadaan markay dhakhtar tagaan.

• Dadka cadaadisku dhiigu sareeyo waxay layimadan calamadahan soo socda:

1. Madax xanuun waliba xiliga subaxii ah(qatbta danbe madaxa)

2. Cadaadis indhaha ah

3. Matag iyo lalabo

4. Xabad ama laabta oo qofka xanuunta

5. Dawakhaad,murugo iyo walwal.

6. Dhawaq ama ci’ dhagaha ah

7. Iyo calaamado kaloo fara badan

5.Waxyeelooyinka uu dhiig-karku keeno?

Dhiig-karka hadii aan ladaweyn ama dhakhtar kula socda mar walba aadan lahayn waxaa laga dhaxlaa dhibaatoyin fara badan sida:

• Kalyo xanuun ama kalyaha oo qofka fariista

• Wadna xanuun

• Faalig

• Aragga oo luma

• Xididada dhiiga oo xirma

6.Sidee loo daweeya dhiig-karka?

• Dhiig-karka waxaa loo maarayn karaa qofka oo badala qaab nololeedkisa sida inuu jimcisi sameeyo ama cuntada uu badalo.

• Waxaa jira dawooyin badan oo la isticmaalo si dhiiga hoos loogu dhigo waxana kamid ah:

 Calcium Channel Blocker sida(Amlodipine,Nifidipine): Daawooyinkani waxay ka hortagaan kalsiyumku inuu galo wadnaha iyo unugyada murqaha xididdada dhiigga, taasoo keenta nasinta xididdada dhiigga.

 Angiotensin-Converting Enzyme (ACE) Inhibitors sida(Enalapril iyo lisinopril): Daawooyinkani waxay dejiyaan xididdada dhiigga iyagoo xannibaya soo saarista angiotensin II, hormoon yareeya xididdada dhiigga.

 Angiotensin II Reeptor Blockers (ARBs): Si la mid ah ACE inhibitors, ARBs waxay xannibaan ficilka angiotensin II.

 Beta-blockers sida propanalol:dawooyinkan wacay yareeyan culayska shaqada wadna.weyna furfuraan.

7.Sidee looga hortagaa dhiig-karka?

• Wax ka badalka cuntada sida in layareeyo cusbada IWM.

• In qofku sameeyo jimicsi wiigi ilaa 3 jeer ugu yaraan.

• In qofku cuno cuntooyinka cagaaran.

• In qofku ka fogaado Cabista sigaarka,khamriga iyo cunida qaadka ama jaatka.

8.Lasoco qaybta laabad hooyada uurka leh ee  qabta dhiig-karka?


Dhiig-karka kudhaca hoyada uurka leh

 Dhiig-karka kudhaca hoyada uurka leh? 1.Qeexid/Definition?  Waa dhiig-kar kudhaca hooyada uurka sida marka cadaadiska dhiigeedu uu kabadan...