1.WAA MAXAY DHIIKAR?
• Dhiig-karku wuxuu dhacaa marka cadaadiska halbowlayaasha uu si joogto ah uu kabadanyahay cabirkiisu 130/90mmhg.
• Xaaladan aad bay u badantahay waliba dadka da’doodu u dhaxayso 30 sano ilaa 80 sano.
• Hadii aan ladaweyna waxaa laga dhaxlaa xaalado cafimad daro sida wadna xanuun iyo faalig.
• Dhiig-karku wuxuu ku badanyahay dadka dhaqaalohoodu uu aad u hooseyo.
• Dadka dhiigoodu kabadanyahay 130/80MmHg waxaa laga yaaba inaysan wax calaamadaa isku arag.
• Waa muhiim in la fahmo calaamadaha iyo daaweynta dhiig karka si loo yareeyo khatarta cudurka wadnaha iyo dhibaatooyinka kale ee caafimaadka la xiriira.
2.Qaybaha dhiig-karka?
• Dhiig karka waxaa loo qaybiyaa labo qaybood oo kala ah:
1. Dhiig karka (Aasaasiga ah ama primary):inta badan lama yaqaano waxa sababa,waana kan ugu badan ee dhiig-karka.
2. Dhiig-karka labaad ama(secondary):noocan inta badan waxaa sababa sida kelyo xanuunka,daawooyinka iyo hoormoonada,IWM.
3.WAXYAABAHA KOR DHIYA IN DHIIG-KAR KUGU DHACO?
• Da’da qofka oo kaweyn 30 sano
• Ama qofka kaweyn 65 sano balse leh macaanka.
• Qofka buuran ama BMI ay ka badantahay 25.
• In qofku qoys ahaan u dhaxlo
• Jimicsi la’aan joogto ah
• Cunista milixda badan
• Cabista sigaarka iyo cunida qaadka
• Cabista khamriga badan
• Cunida cunto dufan badan leh
• Qofka oo ay kuyaraato cunista qudaarta cagaaran.
• Mararka qaarna waxaa laga qada diqowga hawada(wadamada warshadaha leh)
4.Calaamadaha dhiig-karka lagu garto?
• Inta badan dadku ma dareeman wax calaamada.waxay ogadaan markay dhakhtar tagaan.
• Dadka cadaadisku dhiigu sareeyo waxay layimadan calamadahan soo socda:
1. Madax xanuun waliba xiliga subaxii ah(qatbta danbe madaxa)
2. Cadaadis indhaha ah
3. Matag iyo lalabo
4. Xabad ama laabta oo qofka xanuunta
5. Dawakhaad,murugo iyo walwal.
6. Dhawaq ama ci’ dhagaha ah
7. Iyo calaamado kaloo fara badan
5.Waxyeelooyinka uu dhiig-karku keeno?
Dhiig-karka hadii aan ladaweyn ama dhakhtar kula socda mar walba aadan lahayn waxaa laga dhaxlaa dhibaatoyin fara badan sida:
• Kalyo xanuun ama kalyaha oo qofka fariista
• Wadna xanuun
• Faalig
• Aragga oo luma
• Xididada dhiiga oo xirma
6.Sidee loo daweeya dhiig-karka?
• Dhiig-karka waxaa loo maarayn karaa qofka oo badala qaab nololeedkisa sida inuu jimcisi sameeyo ama cuntada uu badalo.
• Waxaa jira dawooyin badan oo la isticmaalo si dhiiga hoos loogu dhigo waxana kamid ah:
Calcium Channel Blocker sida(Amlodipine,Nifidipine): Daawooyinkani waxay ka hortagaan kalsiyumku inuu galo wadnaha iyo unugyada murqaha xididdada dhiigga, taasoo keenta nasinta xididdada dhiigga.
Angiotensin-Converting Enzyme (ACE) Inhibitors sida(Enalapril iyo lisinopril): Daawooyinkani waxay dejiyaan xididdada dhiigga iyagoo xannibaya soo saarista angiotensin II, hormoon yareeya xididdada dhiigga.
Angiotensin II Reeptor Blockers (ARBs): Si la mid ah ACE inhibitors, ARBs waxay xannibaan ficilka angiotensin II.
Beta-blockers sida propanalol:dawooyinkan wacay yareeyan culayska shaqada wadna.weyna furfuraan.
7.Sidee looga hortagaa dhiig-karka?
• Wax ka badalka cuntada sida in layareeyo cusbada IWM.
• In qofku sameeyo jimicsi wiigi ilaa 3 jeer ugu yaraan.
• In qofku cuno cuntooyinka cagaaran.
• In qofku ka fogaado Cabista sigaarka,khamriga iyo cunida qaadka ama jaatka.
8.Lasoco qaybta laabad hooyada uurka leh ee qabta dhiig-karka?
No comments:
Post a Comment