Dhiig-karka kudhaca hoyada uurka leh?
1.Qeexid/Definition?
Waa dhiig-kar kudhaca hooyada uurka sida marka cadaadiska dhiigeedu uu kabadan yahay 140/90 milimitir ber merkuri,oo ay weheliso borotiin kadida lasocda(proteinuria).
Xanuunkan wuxuu saameeya 2-5% hooyooyinka uurka leh caadi ahaan.
Xanuunkan wuxuu dilaa hooyada iyo ilmaha labadaba hadii aan il gaara lagu hayn ama hooyadu lahayn dhakhtar lasocda xiliga uurka.
Xanuunkan wuxuu ku badanyahay hooyooyinka kunool dunida dhaqaleheedu hooseeyo,iyadoo sababtu tahay fahan la,aan,cilmi yari xanuunkan ah ama wacyi galin la,aan bulshada ah.
2.Qaybaha loo qaybiyo xanuunkan?
• Waxaa loo qaybiyaa 4 qaybood oo kala ah sidatan Soo socota:
A. Mid xili hore dhaca(early onset):wuxuu kudhaca marka hooyadu ay Sido xanuunkan wax kayar 34 wiig ama asbuuc.
B.Mid kudhaca hooyada uurka leh marka ay sido in kayar 37 wiig ama asbuuc.
C.Mid xili danbe dhaca(Late onset):wuxuu kudhaca marka ay hooyadu Sido xanuunkan in kabadan 34 wiig ama asbuuc.
D.Mid kudhaca xiliga lafilayay inay hooyadu dhasho ama waqtigii sidku uu dhamaday ama wakhti kabadan 37 wiig ama asbuuc.
• Fiiro gara: Afartan nooc ee aan kor kusoo xusnay midba sigaarka loo daweya ama loopa tacala.
3.Xaaladaha ku keeni Kara in hooyada uurka leh uu dhiig-kar kudhaca?
Hooyada oo da’a ahaan kaweyn 35 sano ama uurkeeda kowaad.
Hooyada buuran ama cayilan.
Iyo in hooyadu ay lakulantay uurkeeda kowaad xanuunkan(Dhiig-karka).
In Hooyadu ay Sido mataano.
Hooyada guursata nin kale aan kii hore ahayn.
IWM.
4.Calamadaha lagu garto Xanuunkan ama astaamaha?
Kaadida oo borotiin badan kujiro ama proteinuria.
Kelyaha oo xanuuna hooyada.
Madax xanuun daran.
Matag iyo lalabo.
Neefsashada oo dhibta.
Bog xanuun.
Barar lagu Arko jirka u badan cagaha ama lugaha iyo wajiga iyo gacmaha.
• Fiiro Gaara: xanuunkan markà qaybtood wuxuu u dhaca si kadis ah iyada oo hooyadu wax calamada lahayn kaliya cabirka dhiigu uu kabato sida caadiga(uu kabato ama Le’eg yahay 140/90 milimitir ber merkuri).
• Calamadahan ama astamahan maaha kuwo u gaara xanuunkan.
5.Qaabka loo baaro xanuunkan?
In hooyada kaadida Laga qaado kadibna la eego borotiinka kadida kujira (hadii borotiinka kabadanyahay 300Mg/maaline.waa positive ama in xanuunkaas jiro).
In labaaro dhiiga kalyaha Laga qaado ama afka qalaad ladhaho creatine (hadii uu kabadan yahay 30mg/maaline xanuunkaas waa positive ama waa jiraa).
Dhiiga guud in lacabiro hadii qaybta xinjirowga oo dhiiga ku yarata waa positive ama wuu jira xanunkan.
Dheecamada beerka in labaaro iyagana khaasatan AST,ALT(Hadii ay kabadanyihin 40) hooyada dhawac baa Soo garay beerkeda.
6.Caqabadaha ama dhibaayooyinka uu katago xanuunkan ama uu leeyahay?
Dhibaato maskaxda ah(Eclampsia) ama hooyada oo miyir beesha.
Arag la’aan ama shucaac indhaha kaga furan.
Faalig.
Hooyada oo wakhtiga uurka dhicisa ama ilma oo Soo dhaca ama dilma.
IWM.
MAHADSANIDIIN
Qore: Mohammed Omar khaliif(MD)
No comments:
Post a Comment